Muxuu Salka ku Hayaa Sharciga Cusub oo Kenya ka Abuuray Kacdoon Shacbiga…

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Maamulka Ruto ayaa qiimo cusub ku soo rogay Kaararka Aqoonsiga (ID Identity Document), taasoo dhalisay Banaanbaxyo rabshado wata oo caro badan shucuurtooda ku muujiyeen Shacabka Kenya..

Wararka ayas sheegaya in Muwaadiniinta Kenya ee da’adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray Kaarka Aqoonsiga Dalka, balse wixi hadda ka dambeeya waxay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7-US$, Waxaa sidoo kale la kordhiyay lacagta uu Muwaadinku ku bixinaayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto ID, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13-US$, taasoo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent).

Talaabadaan ayaa siyaabo kala duwan loogu hadal hayaa baraha bulshada. Qaadashada warqadda dhimashada ayaa ah 200/Ksh (1.5 US$), Waxaa saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo Warqada Guurka (State recognizes both civil and certain religious marriages), waxaana laga dhigay 100,000 oo K/Sh (in ka badan 700) oo US$, Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa ku kordhay qiimo gaaraya boqolkiiba 50.

286730cookie-checkMuxuu Salka ku Hayaa Sharciga Cusub oo Kenya ka Abuuray Kacdoon Shacbiga…