Qaab-Dhismeedka Maamulka Puntland Maxaa Iska Bedelaaya Hadiiba Gobolka Sool Ka Baxeen..

Somalia news

Kadib go’aankii ay Odayaasha Dhaqanka ka soo saareen xulista saamigii Xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland kuwaas oo dhan 17 xildhibaan, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Tira badan oo Wasiiro, kuxigeeno iyo Agaasimayaal, Maxaa isbedel ah ku imaanaya Qaab-dhismeedka Puntland…

Waxgarad badan ayaa aaminsan in is-bedelkaani uu saamayn ku yeelanaayo qaab-dhismeedka Maamulka, doorashada hadda howsheedu socoto Puntland, Talaabadani ay keeni doonto in doorashada hadda lagu gali doono 49 mudane oo Baarlamaanku noqonayo marka laga reebo kuwa Khaatumo, ku darsoo waxaa is dhimaaya tirada ay ku leeyihiin Dowlada Federaalka.

Waxaa muuqata in Is-bedelkaan saamaynta ay ku yeelanayso doorashada ay tahay dib u dhac ku yimaada doorashada oo laga yaabo in aysan wakhtigeeda ku qabsoomin, iyo khilaafyo hor leh oo soo kala dhex gala mucaaradka iyo Maamulka oo ku saabsan sida loo wajahayo go’aanka garaaddada.” Iyo in Shir guud ay wada qabsadaan Beelaha Puntland si ay u dhistaan Maamulka cusub.

Dib u Eegista Saami qaybsiga Siyaasadeed ee Puntland

Hanaanka awood qaybsiga ee Punland waa hanaan aan meelna ku caddayn, xitaa Dastuurka maamulkaasi sida loo qaybsanayo Madaxweynaha, ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka, balse waxaa 25-sani loo kala tuuran jiray Ilmo Salebaan (Madaxweyne) kuxigeen (Dhulbahante) Gudoomiye Baarlaman (Warsangeli).

Maamulka Puntland ayaa sheegta xiligaan iney ka kooban tahay 9-Gobol sida ku dhigan Dastuurkooda kuwaasoo kala ah, Mudug, Bari, Karkaar, Haylaan, Sanaag, Cayn, Sool, Karkaar iyo Gardafuu, Waxay u baahnaan doontaa waqti si ay u kala guuraan Puntland iyo Khaatumo arintaasna waxay ila tahay inay u taallo Maamulka cusub ee Puntland iyo Maamulka Khaatumo.

295280cookie-checkQaab-Dhismeedka Maamulka Puntland Maxaa Iska Bedelaaya Hadiiba Gobolka Sool Ka Baxeen..