Diyaaradaha Drones-ka Mareykan oo Duqeyn ka Fuliyay Degmada Jilib..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Duqeyn xalay ka dhacday magaalada Jilib ee Gobolka J/Dhexe oo ah Xarunta dhexe ee kooxda Argagixisada shabaabka, iyadoo Duqeyntani ay geysatay Diyaarad Drone oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka taasoo Gantaalo ku garaacday dhisme kuyaala Magaalada, waxaana la sheegay inay ku sugnaayeen Horjogayaal ka tirsan Kooxda…

War ay saxaafada kooxda Shababka la wadaageen ayeey ku sheegeen in Diyaaradaha Mareykanka duqeeyeen Guri ay deganaayeen Dad shacab ah oo Gantaal ku dhacay meel u dhow, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah oo ay ku jirto Gabar yar oo 11 sano jir ah.

Horgalada Kooxda ma sheegin khasaaraha duqeynta kasoo gaaray Horjoogayaasheeda, waxayse sheegtay inuu burbur soo gaaray Guriga, dadkana ay ahaayeen shacab, ilaa hadda Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo Dowlada Federaalka.

291020cookie-checkDiyaaradaha Drones-ka Mareykan oo Duqeyn ka Fuliyay Degmada Jilib..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com