Korarka Shirkadaha Calooshood u Shaqeystayaasha & Suuqyada Siyaasiyiinta Soo Kireysta ee Somalia..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Qorshe lagu doonaayo in lagu dhiso Ciidamo Calooshood u shaqeystayaal oo ka madax banaan kuwa Dowlada Federaalka, iyadoo Ciidamadaasi la sheegay in Dalka Imaataadka Carabta (UAE) ay si qarsoodi ah u dhisayaan, iyagoo horey u dhisay 3-Shirkad/Ciidan oo ka kala howlgala Magaalooyinka Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Ciidamada Shirkad lagu magacaabo PMSC (Private Military & Security Company) oo ka howlgasha Magaalada Bosaso Maamulka Deni uu u saxiixay iney Fariisin kale ka dhistaan Degmada Caluula, Halka Villa Somalia ay u oggolaatay in Shirkadda Penholder ka howlgalaan magaalada Mogadishu, iyadoo Saraakiil ka tirsan Maamulka kooxda Demu jadiid lagu daray Golaha Wadatashiga Shirkadda, waxaana Dowladda Federaalka siisay ruqsada ay Dalka ku soo gelin karaan Hubka culus, Saanad iyo Diyaaradaha Qumaatiga u kaca, ku darsoo waxaa loo sameeyay Canshuur dhaaf dhinac kasta, taasoo Khatar ku ah jiritaanka Qaranimada Somalia.

Shirkadaan dambe waxaa Dalka Somalia Wakiil uga ah Marc Pecsteen de Buytswerve  oo u dhashay Dalka Belgium, iyadoo shirkadaan la sheegay in leeyihiin (Private military contractors and mercenaries), waxeyna si khaas ah ugu xil saaran yihiin ka hortaga Argagixisada iyo burcad badeedka, balse waxey su’aal ka taagan tahay dhibaatada ay u geystaan Shacbiga Soomaaliyeed cidda loo raacanaayo, maxaa yeelay Maamulka Xasan Gurgurte ayaa la sheegay inuu u saxiixay in aan demi loogu raacan karin falalka ay geystaan.

290950cookie-checkKorarka Shirkadaha Calooshood u Shaqeystayaasha & Suuqyada Siyaasiyiinta Soo Kireysta ee Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com