Villa Somalia Oo Codsatay G/Amaanka In Ciidamada Kenya Laga Saaro Dalka

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Maamulka Villa Somalia ayaa codsaday Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay in Ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM ee ka socda Kenya laga saaro Dalka, wuxuuna codsaday in lagu bedelo ciidama ka socda Dalka Ereteriya sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka…

Wararka ayaa sheegay in sanadkii tagay markii uu aad u xumaaday xiriirkii u dhaxeeyay Somalia iyo Kenya, isla markaasna ay Safiiradii u kala yeerteen, ayaa la sheegay in Maamulka Farmaajo uu qoraalo qarsoodi ah u diray Golaha Amaanka Ee U.N.-ka isagoo ka codsaday in Dalka laga saaro Ciidamada Kenya ka socda Ee Amisom.

Wuxuuna ku Eedeeyay iney khatar ku yihiin Midnimada iyo jiritaanka Somalia, isagoo sidii kale ku sheegay qoraalkiisa in Dowladda Kenya ay la safatay Maamulka Dowlad goboleedka Jubbaland oo Khilaaf xoogan muddo 3-sano ah kala dhaxeeyo, wuxuuna codsaday in Ciidamo ka socda Dalka Eritrea lagu bedelo kuwa Kenya, soo jeedintaasi ayaa la sheegay in lagu diiday.

Mr.Farmaajo ayaa si walba isku dayaya in Jubbaland ay soo gasho gacantiisa, wuxuuna horey ugu fashilmay in Ciidanka Kumaandooska Ethiopia ay u soo qabtaan Axmed Madoobe, balse waxaa diiday Hogaanka ciidanka AMISOM ee Kenya iney diyaaraddii siday ciidamadaasi ay ka soo degto magaalada Kismaayo.

87790cookie-checkVilla Somalia Oo Codsatay G/Amaanka In Ciidamada Kenya Laga Saaro Dalka