Guddigii Dhexdhexaadinta Khilaafka Doorashada Puntland Oo Shaacinaaya Go’aano ay Gaareen..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa isku dayo ay Maalmahaan wadeen Qaar kamid ah Isimadda SSC-Khaatumo oo maalmihii u dambeeyey kusugnaa magaalada Garoowe ayaa lafilayaa iney saacadaha soo socda sii daayaan war kuwajahan go’aano ay u arkaan in ay xal u noqon karaan murugsanaanta xaaladda doorashada Puntland…

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland uu ka biyo diiday Odayaasha Dhaqanka in uu u Qoor dhiibto kuna kalsoonaado go’aanada ay soo saaraan Isimada, wuxuuna ku adkeystay in la raaco talooyinka Guddiga uu u magacaabay Doorashooyinka in la qabto dhamaadka bisha February ee Sanadka soo socda.

Ku darsoo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool ayaa la xiriiro la sameeyay qaar ka mid ah Isimadda kale ee Puntland kuna sugan degaano kale duwan waxeyna ka codsadeen iney taageeraan oo Go’aankooda la qaatan, taasoo aan ilaa hadda helin aqbalaad.

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Isimadda SSC qeyb kamid ah ayaa ku dhawaaqday in baarlamaanka Puntland ee hadda jira uu doorto Madaxweyne & Madaxweyne kuxigeen 8 Jan 2024-ka, 12 bilood ka dibna lasoo doorto mudanayaal Baarlamaan, Talaabadan ayaa saameyn adag reebi doonta, maadaama uu go’aanki ka sii dari karo.

Dhanka kale, La-Taliyihii arrimaha Siyaasada ee Madaxweynaha Puntland Mr.Cabdirisaaq Mire Xasan “Gawido” oo Dani magacaabay 26-kii July 2022-kii, ayaa bartiisa soo dhigtay Qoraal uu kaga soo horjeedo gi’aanka uu qaatay Mr.Deni kaasoo ah in Muddo 2-sano loogu kordhiyo Xilka hadii kale uusan si nabad ah xilka ku wareejineynin.

291400cookie-checkGuddigii Dhexdhexaadinta Khilaafka Doorashada Puntland Oo Shaacinaaya Go’aano ay Gaareen..