Djibouti Oo Ka Dhaceyso Xaflad Balaaran

Somalia news

Waxaa maanta lagu wadaa in la qabto xaflad balaaran oo lagu caleema-saaraayo markii 5-aad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mr.Ismaaciil Cumar Gelle kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii bishii April…

Mr.Guelleh oo 73 jir ah ayaa munaasabadda lagu dhaarinayo waxaa ka qeybgalaya Madax ka socota dalalka Africa, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarayaasha dalalka Somalia iyo Ethiopia, sidoo kale waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi. Iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid Aduunka.

Markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne ka noqday Dalka Djibouti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaasoo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa qaadacay tartanka doorashada Madaxweynenimo ee uu ku soo baxay Ismaaciil Cumar Geele, oo ay codeynteeda ka qeybgaleen 215,000 oo Muwaadiniin Djiboutian ah.

118780cookie-checkDjibouti Oo Ka Dhaceyso Xaflad Balaaran