Mareykanka Oo Kenya u Diray Digniino Amaan

Somalia news

Hey’adda Duulista Hawada ee Federaalka USA oo lagu magacaabo (FAA) ayaa waxey fariin Digniin Amaan Xambaarsan u diray Dowladda Kenya, iyagoo uga digay in Kooxda argagixisada Shababka ay bartilmaameedsan karaan diyaaradaha isaga kala goosha Xuduudaha Somalia iyo Kenya….

Digniintaan amaan ayaa ah digniintii 2-aad ay Hey’adda FAA (Federal American Aviation) soo saareen, inkastoo Kooxda Shababka aysan weligood diyaarad ku weerarin Hawada Kenya, hadana Mareykanka ayaa xusay in Warbixinada Sirdoonka USA Ee ku sugan Kenya iyo Somalia ay muujinayaan in xiligaan Kooxdaan ay maleegayaan qorshe noocaas ah.

Khadadka Hawada Ee Digniintaan lagu soo qaaday ayaa waxaa ka mid ah kuwa isku xira Duulimaadyada Nairobi iyo Bariga dhexe/Fog (Asia) Sida UEA, India iyo China oo ay ka howlgalaan Diyaaradaha Xamuulka iyo Rakaabka qaada, sidoo kale digniintaan ayaa lagu xusay Khadadka diyaaradaha ee Is-Maamulka Gobolka Waqooyi-bari Kenya iyo kuwo u sii gudbaaya Somalia.

Digniintaan ayaa timid kadib markii Dowladda Kenya ay ganafka ku dhuftay dhowaan Codsi ay u soo direen Ciidamada Mareykanka kaasoo ahaa in loo oggolaado iney duulimaadyo duqeyn ah oo lagu bartilmaameedsanaayo Kooxda Shababka laga bilaabo gudaha Kenya.

99040cookie-checkMareykanka Oo Kenya u Diray Digniino Amaan