Halkee Ku Dambeysay Baaristii Dagaal-gacmeedii NISA Iyo Socdaalka

Somalia news

Dagaal saf mar ah oo 22-kii Bishii April 2021 ku dhex maray gudaha Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu Xoogag ka tirsan NISA iyo Shaqaalaha Socdaalka isla markaasna ay ku dhaawacmeen 8-xubnood Oo Xafiiska Socdaalka ka tirsan, iyadoo guddiyo loo saaray ay awoodi waayeen iney Runta sheegaan…

Xafiiska RW oo guddi u magacaabay Baaritaanka Dhacdada

RW Maxamed Xuseen Rooble oo isla maalintaas weerarka ka hadlay ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin Iska-hor-imaadka ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuu faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd, hayeeshee Ayaan darro guddi Wasiiro ah oo uu u magacaabay la tacaalidda iyo baartitaanka Falkaas ayaa tegey garoonka iyaga oo iskudeyey in ay la kulmaan hay’adda NISA ee ciidankeedu fuliyey Weerarka! kulankaas ayaa suuroobi waayey kaddib markii Hey’adda NISA hogaankeeda ay iska diidday la shaqeynta Guddiga heer Wasiir ee xukuumaddu u magacowday Baaritaanka.

Guddi kale oo Cabdi Macalin maareeyaha hay’adda duulimaadka Rayidku u ahaa guddoomiye ayaa isku dayay inuu baaritaan ku sameeyo dhacdadaasi, muddo kaddib waxa uu soosaaray Warbixin ku saabsan sida ay wax u dheceen,  hayeeshe Warbixintiisa ma dhaafin guddiga, xafiiska RW waxa uu awood u waayey maareynta arrinta iyo hirgelinta Wixii ka soo baxay Baaritaanka.

118810cookie-checkHalkee Ku Dambeysay Baaristii Dagaal-gacmeedii NISA Iyo Socdaalka