Ma Dhabaa in Tiro Maxaabiis Somali ah Oo Ku Xiran USA Dalka Dib loogu soo Celinaayo

Somalia news U.S.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in tiro Boqolaal Maxaabiis Soomaaliyeed oo muddo kala duwan ku xirna Xabsi ku yaal Dalka Mareykanka lagu wadi in Dalka dib loogu soo celiyo Bisha November ee Sanadkaan, tarxiilkaan ayaa noqonaaya kii ugu badnaa muddo sanado ah…

Wararka ayaa sheegaya in Maxaabiistaan la soo tarxiilaayo ay isugu jiraan Dembilayaal xukuno kala duwan dhameystay iyo kuwo aan dhameysan muddo dheerna ku noolaa dalkaasi, Tahriibayaal lagu qabtay xuduudo USA & Mexico, Maxaabiistaan ayaa intooda badan lagu hayaa Xabsiga Adams County Correctional Center oo ku yaal magaalada Missisippi.

Hadiiba ay Dowladda Mareykanka Xabsigeeda ay ku xirnaayeen 2,443 Maxbuus ay Boqolaal u soo tarxiilaan Somalia, iyadoo uu Dalkaan Xamili la’yahay Dembiilayaasha iyo Kooxaha argagixisada oo is biirsaday, Dowladda Federaalka waa ineysan oggolaan soo celintooda, maasha dembigu ka dhacay ha ku dhameystaan.

221050cookie-checkMa Dhabaa in Tiro Maxaabiis Somali ah Oo Ku Xiran USA Dalka Dib loogu soo Celinaayo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com