Dollar Been Abuur Ah Oo Suuqyada Hargeysa Lagu Arkay

Somalia news

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa maalmihii ugu dambeysay lagu arkay kontonka dollar ee Mareykanka ($50) oo been abuur ah kaasoo aanu mashiinka qaban karin, Ganacsatada ayaa diiday iney qaataan gebi ahaanba kontonka dollar, haddii ay xaqiiqsadeen inaanu mashiinka kala saari karin dollarka saxda ah iyo mid kale ee been abuurka…..

Sarifle-yaasha ayaa iyagu sheegay inay kala garan karaan lacagta been abuurka iyo midda kale ee saxda ah, maadaama ay muddo dheer ku soo shaqeynayeen, balse uu dhibka ugu weyn ka taagan yahay ganacsatada iyo bulshada, inteeda kale, Ma cadda cidda magaalada soo gelisay lacagtan been abuurka ah, mana jirto war rasmi ah oo Maamulka Somaliland ay ka soo saartay.

https://youtu.be/zUvVQ

95830cookie-checkDollar Been Abuur Ah Oo Suuqyada Hargeysa Lagu Arkay