Dood ka Taagan Xilka Marwada 1-aad ee Madaxweynaha Dalka Senegal..

Africa News

Iyadoo dhawaan Madaxweynaha cusub loo doortay Dalka Senegal Mr.Bissirou Diomaye Faye ayaa la sheegay in Laba Haween ah u dhaxeen iyadoo Mid aamisan tahay Diinta Christian-ka halka Marwada kale ay Diinta Islaamka Aaminsan tahay taasoo Dad badan is wrydiinayaan in Madaxweynaha Dhalinyarada ah Dalkaan isku wadi karo…

Marka la eego kala duwanaanshaha Diimeed iyo Dhaqameed ee Senegal, joogitaanka labada haween ee ugu horreeya ee matalaya diimaha kala duwan ma laga yaabaa inay keenaan isku-duubni weyn ama sii xumeeyaan kala qaybsanaanta bulshada iyo diinta ee jirta.

Dooduse waxay ka taagan tahay Waa Tuma Marwada 1-aad Dalka Senegal? Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha cusub ee Senegal oo dhawaan xilka loo dhaariyay, wuxuu qabaa labo xaas oo mid Kirishtaan ah iyo mid Muslimad ah, Marka, waa ayo Marwada Koowaad ee Senegal, Marie Khon Faye oo 15-sano ka hor uu guursaday iskuna degaan ka soo wada jeedaan 4-Caruur ahna u dhashay (midig) halka Absa Faye (bidix) Sanad ka hor uu guursaday?.

Iyadoo Dalka Senegal 90% ay Shacbiga Dalkaasi aamisan yihiin Diinta Islaamka, ayaa waxaa la sheegaa in Dhaqanka Dalkaasi uu caadi ka yahay guurka Xaasaska badan ee ay hormuudka u yihiin Hogaamiyayaasha Dawladda ee xaalad la socota xaqiiqada Senegal, “iyaga oo xusay in dhaqankani uu caan ku yahay rag badan, inkastoo ay kiciso carada Dumar badan.

319030cookie-checkDood ka Taagan Xilka Marwada 1-aad ee Madaxweynaha Dalka Senegal..