Hey’adda USAID oo Hakisay Gargaarkii ay u fidin jirtay Dalka Ethiopia & Sababta..

Africa News

Hay’adda USAID ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday iney joojisay cuntadii gargaar ee ay siin jirtay guud ahaan dalka Ethiopia, bil kadib markii ay joojisay gargaarkii ay siin jirtay gobolka Tigray ee ay colaaduhu aafeeyeen…

Waxey Hey’addu ku sababeysay hakinta gargaarka inuu ka dambeeyo markii ay u cadaatay in gargaarka laga weecinayo dadkii gargaarka u baahnaa gaajo baahsan la daalaadhacayo, “Waxaan gaarnay go’aanka adag balse lagama maarmaanka ah oo aanan hore ugu socon karin qaybinta gargaarka cuntada ilaa dib u habeyn lagu sameeyo,” ayaa lagu yiri hadal uu soo saaray afhayeen u hadlay Hay’adda.

War-saxaafadeedka laguma sheegin cidda ka dambaysay leexintaasi, balse qoraal kale oo saacado dambe kasoo baxay safaaradda Maraykanku ku leeyahay Ethiopia, waxay labada dawladood ku sheegeen inay wadaan baaritaanno lagu doonayo in lagula xisaabtamo Eedeysanayaasha.

259920cookie-checkHey’adda USAID oo Hakisay Gargaarkii ay u fidin jirtay Dalka Ethiopia & Sababta..