Dooda Aqoonsiga Jaamcadaha & Isbaarada Wasaarada Waxbarashada

Somalia news

10-kii sano ee ugu dambeysay Shahaadooyinka laga bixiyio Jaamcadaha Dalka ku yaal waxey ictiraaf ama aqoonsi ka heleen dalal badan oo dunida daafaheeda ku yaala, balse marka laga hadlo Turkiga iyo Ardayda Soomaalida Waxaa jirtay xaalad gaar ah iyo Caqabado ay kernen Wasaarada Waxbarashada intii uu xoogeystay cilaaqaadka u dhaxeeya Turkey iyo Somalia…

Hey’adda Waxbarashada Sare Qaabilsan Ee Turkiga (YÔK) ayaa go’aansaday iney Ardayda Jaamacadaha Somalia ka taageerto dhanka Waxbarashada iyo takhasuska, 2016-kii waxeyna weydiisteen Wasaarada Waxbarashada ayeey ka dalbadeen Liiska Jaamacadaha ay aqoonsan tahay, waxaana loo gudbiyay 5-Jaamacadood si KMG ah loo aqoonsado, iyadoo 4 ka mid ahi ay Arday ka joogeen xiligaasi Dalka Turkiga.

Maxaa Dhacay Kadib:-

Wasiirkii Waxbarashada Cabdiraxman Daahir Cusmaan Ee Maamulka Farmaajo ayaa Hey’adda YÔK ay weydistay inuu soo gudbiyay Liiska Jaamcadaha Dalka sheegay wada shaqeyn dhaneystiran ula yeeshaan Jaamcadaha Dalka, Mr.Cabdiraxman wuxuu la kulmay Hormuudyada Jaamcadaha waxaana soo kala dhex galay Khilaaf xoogan taasoo horseeday in Wasiirka Xilka laga qaado, kadib markii uu u sheegay inuusan Aqoonsaneyn Jaamacadaha Dalka.

Farmaajo ayaa u magacaabay Cabdulahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada, sidoo kale YÔK waxey codsadeen in loo soo gudbiyo Liiska Jaamcadaha Ee ay Aqoonsan tahay Wasaarada Waxbarashada, Mr.Goodax ayaa dhisay Guddiga Tacliinta Sare Ee Somalia, waxeyna Guudigaan qiimeyn 3-qeyb ah ayeey ka sameeyeen Jaamacadaha Dalka oo markaas ay tirakoobeen ilaa 100 Jaamacadood oo ku kala yaala Gobolada Benadir, Somaliland iyo Puntland.

Waxeyna ka soo reebeen ilaa 30 Jaamacadood oo ay ku qiimeeyeen iney u qalmaan in liiskooda loo gudbiyo YÔK, iyadoo intii aan lagu gudbin Liiska Waxaa xilka laga qaaday Goodax, iyadoo lagu bedelay Cabdullahi Carab, waxaana la sheegay inuu weli ku dhegan yahay Gudbinta Liiska marka laga reebo hal Jaamacad oo Wasiir Carab uu si qarsoodi ah ugu gudbiyay YÔK, wuxuuna la sii marsiiyay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Somalia iyo Safaarada Ankara.

Maxaa Hortaagan in Liiska loo gudbiyo Hey’adda YÔK, waxaana Ayaan darro ay Wasaarada Waxbarashada Ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ay muddo 5-sano ay hortaagan tahay in fursad Waxbarasho Dibadeedka ay Ardayda Soomaaliyeed uga heli lahaayeen.

116640cookie-checkDooda Aqoonsiga Jaamcadaha & Isbaarada Wasaarada Waxbarashada