Doodo Adag Oo Ay Ka Taagan Tahay Guddiyada Doorashada

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya in Doodo adag ay ka taagan tahay xubanahii Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka oo ay cabashada ka gudbiyeen Midowga Musharaxiinta, kuwaasoo lagu eedeeyay inay yihiin Shaqaale Dowladeed, Xubno ka tirsan NISA iyo Taageerayaasha baraha bulshada….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xubnaha qaar ayaa la qorsheynayaa in dib loo soo celiyo, ayaa waxaana faragelin xooggan wajahaya Guddiga heerka Wasiir ee Ra’iisul Wasaaraha u saaray xaqiijinta cabashada laga soo gudbiyay.

Wasiirka 1-aad Mr.Rooble ayaa wajahaya imtixaankiisa 1-aad ee maareynta doorashada iyo abuurida jawi kalsooni geliya dhinacyada siyaasadda, taasoo ku timaada dhismaha Guddi doorasho dhex dhexaad ah oo lagu wada qanacsan yahay.

122640cookie-checkDoodo Adag Oo Ay Ka Taagan Tahay Guddiyada Doorashada