Muuse Biixi oo ku Gacan Seyray Soo Jeedin Nabadeed oo Odayaasha Burco Hordhigeen..

Somalia news

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Warsidahaan, in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin, ay iska diideen talo soojeedin ka timid Odayaadha Beesha Bariga Burco oo ahayd in colaada Sool ee SSC iyo Somaliland udhaxaysa lagu xaliyo hab qabiil si nabad waarta loo helo..

Wararka ayaa Sheegaya in Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa gudaha ay l isku aragti ka noqdeen isla markaasna go’aansadern in dagaal rogaal celin ah oo lagu qaado waqti dhow, si aan fursad loo siin wadahadalka beesha Burco wado, oo ay garwadeen kayihiin Culumo iyo Ganacsato caan ah oo Beeshaas kasoo jeeda.

Dhanka kale, Mr.Biixi ayaa Talisyadii Xoogagiisa dhanka dagaal gelinta hoos geeyey Cabdirisaaq Buulaale -Afguduud, sarkaalka oo ah kan keliya Ciidamadii ugu badnaa dhawaan kasoo badbaadsaday Sool ayaa Muuse Biixi ilaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay shirar kala duwan la qaadanayey.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Odaayasha Dhaqanka Beesha Bariga Burco ayaa hada ka fekeraysa in soo saaraan baaq nabadeed iyo wadahadal dhankeeda ah oo ay lagasho maamulka SSC-Khaatumo, taasoo ay Isimadda SSCKhaatumo kuxireen, Beesha bariga Burco waxaa kasoo jeeda Ciidamada u badan ee maxaabiis ahaanta loo qabtay 25-Aug oo kamid yahay Taliyihii Somaliland u qaabilsanaa duullaanka Laascaanood Faysal Bootaan.

Isimadda iyo Maamulka SSC-Khaatumo ayaa maalmo ka hor wada hadal telfoon oo ay la yeesheen dhinacooda Beesha Bariga Burco, u sheegeen in xabad iyo colaad laga soo dumo Oog iyo Caynaba ay u aqoonsanayaan mid ka timi beeshaas.

277720cookie-checkMuuse Biixi oo ku Gacan Seyray Soo Jeedin Nabadeed oo Odayaasha Burco Hordhigeen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com