Ma Dhabaa In Ethiopia Ay Hub & Saanad Ka Soo Dejisay Berbera

Africa News

Dagaalada ka socda Waqooyiga Ethiopia ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeeshay dalal dhowr ah, kuwaasoo dhinacyada dirirtu ka dhaxeyso la kala safan, Waxaa soo shaac baxaaya in Dalka UAE iyo Egypt ay yihiin kuwa sida aan gabashada laheyn taageerada u siinaaya Dowladda Abiy iyo Mucaaradka Hubeysan ee TPLF…

Ilo Wareedyo Loo qaateen ah ayaa sheegaaya in Magaalada Berbera ee Gobolka Waqooyiga Somalia uu xiligaan ku sugan yahay Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia Mr.Mustaf Cagjar, wuxuu halkaasi ka wadaa sidii Hub iyo Saanad ka soo degay u soo daabuli lahaa.

Daabulaadda hubka ayaa waxaa qandaraas ku qaatay laba shirkad oo gaar loo leeyahay oo mid laga leeyahay Spain, mida kalena Ukraine ay ku guuleystay iney 90 duulimaad Oo diyaaradaha xamuulka iyo maraakiib ka soo dejiyaan Magaalooyinka Dirir dhabe (Ethiopia) iyo Berbera (Somalia).

Dowladda Ethiopia ayaa kordhisay adeegsiga dhowaanahan diyaardaha Drone-ka ee ay ka hesho Shiinaha iyo Turkey, si ay gacan sarreyn uga hesho Dagaalka ay kula jirto Kooxda Tigray-ga. Si kastaba, xanibaad la saaray warbahainta ayaa adkeysay in caddeymo loo helo ilaa iminka.

153100cookie-checkMa Dhabaa In Ethiopia Ay Hub & Saanad Ka Soo Dejisay Berbera