Suldaan Ka Soo Jeeda Gobolka Sanaag Oo Lagu Xiray Magaalada Hargeysa

Somalia news

Warbixino dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Xarig loo geystay Suldaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag oo Xoogaga Amaanka Magaalada Hargeysa ay qabteen kadibna xabsiga dhigeen, kaasoo muddo 4-maalmood lagu hayo Xabsi lana horgeynin Maxkamadaha degaanka…

Wararka ayaa sheegay in Xoogaga Amaanka ay qabteen Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Koor oo ka soo jeeda degaanka Yubbe Ee Gobolka Sanaag, lama yaqaano sababta loo xiray Sida ay sheegeen Eheladiisa, waxaana lagu hayaa xabsi ku dhex yaal Laanta Baarista Dembiyada (CID).

Laamaha Amniga Somaliland weli kama hadlin sababta loo xiray suldaanka, waxaana arrintaas walaac ka muujiyay Ehelada iyo Qoyska Suldaanka.

135130cookie-checkSuldaan Ka Soo Jeeda Gobolka Sanaag Oo Lagu Xiray Magaalada Hargeysa