Goodax Oo Lagu Qalay Isbitaal Ku Yaal Turkiga

Somalia news


Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta Sare Mr.Cabdullaahi Goodax Barre ayaa la sheegay inuu ku xanuunsanaya Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib markii si deg deg ah loogu qaaday….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Mr.Goodax Barre oo markii hore xaalad Caafimaad looga qaaday Muqdisho ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla Turkiga, isagoo maalmihii lasoo dhaafay halkaas ku xanuunsanayay, waxaana lagu sameeyey qalliin kadib markii uu xanuun dareemay.

Ilo-wareedyo ku sugan Magaalada Ankara ayaa soo sheegaya in Wasiirkii hore ee Waxbarashada Gooda Barre Qalliinka looga sameeyay dhinaca Garabka, laguna guuleystay, ayna Qaliinka fuliyeen dhaqaatiir Turki ah.

Xaaladda caafimaad ee wasiirka ayaa lagu soo waramayaa inay hadda ka soo hagaagayso sidii hore, Wasiir Goodax ayaa la sheegay in xaaladiisa Siyaasada ay mugdi gaahay kadib markii ay isku dhaceen Mr.Farmaajo, iyadoo lagu bedelay Sarkaal Ciidan oo ku beel ah Xukuumada Cusub, kaasoo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha.

68090cookie-checkGoodax Oo Lagu Qalay Isbitaal Ku Yaal Turkiga