Share the post "Dowlada Federaalka oo La-tashi u dirtay Danjirihii Ethiopia isla markaasna Albaabada iskugu Dhufatay Xafiisyadii Qunsuliyadaha ee Hargeysa & Garoowe.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Go’aan soo daahay oo ay gaartay Dowlada Federaalka ee Somalia kadib markii ay la-tashi dib ugu celisay Danjirihii Ethiopia ee Mogadishu isla markaasna albaabada iskugu dhufatay Xafiisyadii Qunsuliyaha ee Ethiopia ku laheyd Magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe…
Khilaafkaan ayaa ka soo bilaawday Xiisadda 1-dii Bishii Janaayo ee Sanadkaan kadib markii Maamulka Abiy ee Addis-Ababa ay heshiis la gashay Maamulka Waqooyiga ee Somaliland, kaasoo lagu sheegay in Ethiopia lagu siinayo dhul badeed degmada Lughaye ay ka dhigato saldhig ciidan iyo dekad.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in go’aanka dib loogu celiyay safiir Mukhtaar Maxamed Waare uu la xiriiro heshiiska ay horey u galeen Somaliland iyo Ethiopia, balse Heshiiska cusub ee shalay Ethiopia la saxiixatay Maamulka Puntland uu ka sii careysiiyay Maamulka Villa Somalia inkastoo horey ugu yeeratay safiirkeeda Addis abeba.
