Kooxda Shababka OO la Wareegtay Tuulada Marin Gubaay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Kooxda Shababka ayaa lagu arkay degaanka Marin Gubaay kadib markii ciidamada AMISOM ay ka guureen saldhiggooda maalintii shalay…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya iney aheyd in Ciidamada Dowladda Federaalka ay bedelaan kuwa Amisom, balse Ayaan darro ma dhicin, waxaana ka faa’iideysanaaya Koox ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka oo degay farsiinkii ay baneeyeen Ciidamada Uganda Ee Amisom.

Tuulada Marin Gudaay waa tuulo strategy ah Dhanka Ciidamada, waxeyna xeebta Badda u jirtaa 13-km, waxeyna ka tirsan tahay Degmada Baraawe oo qiyaastii 60-KM u jirta, halka degaanka Buulo mareer waxey u jirtaa 30-km, iyadoo degmada Kurtuwaarey u jirta 35-KM, Waa Ayaan darro in Tuulada gacanta u gasho Kooxda argagixisada Shababka.

125810cookie-checkKooxda Shababka OO la Wareegtay Tuulada Marin Gubaay