Dowlada Federaalka oo Sheegtay iney UAE kula Xisaabtameyso Fara gelinta Joogtada ah..

Security Somalia news

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowlada Federaalka Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay iney tallaabo aysan carabaabin ka qaadi doonaan Dowladda Imaaraadka Carabta kadib markii Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ay ku casuumeen ka qeyb galka shirka Dowladdaha iyo Shirkadaha Adduunka ee ka dhacay magaalada Dubai…

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland waa gobol ka mid ah Somalia, waxayna qabaan tabashooyin aan u raadinayno inaan wadahadal ku xalino,” isagoo mar kale ku celiyay mowqifka Villa Somalia ee ah in Somaliland ay weli ka mid tahay Somalia, inkastoo ay hoos u dhigtay booqashadaas, iyadoo la barbar-dhigtay safarradii ay ku tageen madaxda maamul-goboleedyada dalka Imaaratka Carabta, waxaana wasiir Fiqi Tusaale usoo qaatay safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ku tagay Dalka Kenya.

Wasiirka ayaa iska indho tiray inuu si cad u cambaareeyo Duuliyaadyada Diyaaradaha Ciidamada ee nooca Ilyushin oo si joogto ah ugu dega Garoomada Diyaaradaha Boosaaso iyo Berbera kuwaasoo Hub iyo saanad u wada Kooxda Falaagada ee RSF ee Sudan iyo Ciidamo la sheegay iney calooshood u shaqeysatayaal kuwaasoo ilaaliyayaal u ah Maqlabeen u dhashay Dalka UEA xaaluf ba’ana ku haya Macdanta iyo Dahabka laga qaado Buuraha Sanaag Bari iyo Gobolka Bari.

361840cookie-checkDowlada Federaalka oo Sheegtay iney UAE kula Xisaabtameyso Fara gelinta Joogtada ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *