Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Dalka Canada

Somalia news World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil dalka Canada loogu geystay muwaadin Soomaali ahaaa, kaasoo la shaqeynayay hay’adaha amniga dalkaasi, Marxuum Usaama Ibraahim Sagaare oo ahaa 20 sano jir, Soomaali ah, ayaa Arbacadii lagu dilay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Canada…

Wararka ayaa sheegay in Ibraahim Sagaare oo ah Aabaha Marxuumka ayaa warbaahinta Dalkaasi u sheegay inuu maqlay dhawaqa rasaas gaareysa ilaa toddoba, kadibna marka uu bannaanka ubaxay uu arkay wiilkiisa oo la toogtay shan jeer.

Wali wax xog ah oo dhameystiran lagama hayo cida ka danbeysa dilka marxuumkan oo ahaa 20 sano jir ahaa, waxeyna laamaha amaanka sheegeen iney wali xog-uruurin wadaan  oo ay dib u daawanayaan Kaamirooyinka ku xirnaa goobta toogashada ay ka dhacday

247050cookie-checkMuwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Dalka Canada