Xiisada siyaasadeed ee Magaalada Hargeysa oo korortay, Cabsida Bannaan-baxyada & Gurida Taayarada 

Somalia news

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xiisadihii siyaasadeed ee ka taagnaa deegaanada Somaliland ay ka sii dartay, Xiisadaan ayaa salka haysa khilaafka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Mucaaradka ah oo isku haya qabashada iyo dib u dhigida doorashada Madaxweynaha…

Doorashadaan ayaa loo madlan yahay 13 bisha November, ee sannadkan 2022, Xisbiyada Wadani iyo Ucid ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi inuu qorsheynaayo inuu sameysto muddo kororsi dibna loo dhigo doorashada, isagoo ku marmarsiyoonaya furista Ururrada siyaasadda.

Mucaaradka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dib u dhaca doorashada Madaxweynaha, waxaana ay wadaan abaabulka bannaan-baxyo waa weyn oo looga soo horjeedin muddo kororsi uu sameeyo Madaxweyne Biixi, iyagoo u gudbiyay Wasaaradda arrimaha gudaha, warqad ay ku wargelinayaan xukuumadda qabsoomida bannaanbaxa.

Dhanka kale, Maamulka Hargeysa ayaa ka bilowday qaar kamid ah xaafadaha magaalada arruurinta “Taayarada Gaadiidka”, oo ay adeegsadaan dibad-baxayaashu, kuna gubaan waddooyinka iyo goobaha bannaan-baxu ka dhaco, si looga hortago inay adeegsadaan.

191720cookie-checkXiisada siyaasadeed ee Magaalada Hargeysa oo korortay, Cabsida Bannaan-baxyada & Gurida Taayarada 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com