Ka-Ganacsiga Sisinta Oo Heerkii Ugu Sareeyay Gaaray

Food

Beeraleyda Konfurta Somalia ayaa lagu amaanay inay awood u yeesheen inay Suuqyada Caalamka u iib geyaan sisin tayadeedu sarreeyso, xilli ay dunidu la tacaalayso caabuq-sidaha Covid-19….

Dhulka Beeraha ee Jubooyinka iyo Shabeelooyinka ayaa xiliyadii ugu dambeeyay waxaa Beeraleyda aad u kordhiyeen abuurida dalagyada Sisinta iyo Liin dhanaanta, iyadoo Ka ganacsigeeda ay suuqyo tartan furan uga heleen Dalalka Turkey iyo UEA, kuwaasoo ganacsatadooda isku falisay qiimaha Sisinta iyo Liin-dhanaanta.

Khubarada Arrimaha beeraha ayaa aaminsan in dhoofinta Dalagyadaani ay dhibaato u keeni karto baahida gudaha, iyadoo Somalia ayaa loosoo jeediyey in ay yareeyso dhoofinta badeecooyinka noocan ah oo ay baahideedu aad uga jirto gudaha, ugu yaraan inta laga baxayo caabuq-sidaha karoonaha.

Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa la yaab kusoo dhoweeysey inay Somalia weli badeeco muhim ah u direeyso suuqyada caalamka, Iyadoo taageero ka heleeysa hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka ee USAID oo taageerta Mashruuca MGCS waxay Somalia dhoofinaysaa shixnad ka kooban sisin tayo sare leh oo loo dirayo dalalka  Turkey, Bariga Dhexe iyo qaar kale.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Safaaradda.

31120cookie-checkKa-Ganacsiga Sisinta Oo Heerkii Ugu Sareeyay Gaaray