Dowlada Uhuruu Oo Awoodi Weysay In Shaqaalaha Mushaaraadka Lasiiyo

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Mas’uuliyiinta Maamullada gobolada Kenya ay intooda badan shaqaalahii u shaqeynaayay la fasaxaya, iyagoo joojiyay adeegyada aan daruuriga ahayn sababo la xiriira dhaqaale la`aan baahsan oo ka dhalatay muranka ka taagan qeybinta lacagaha dowladda dhexe ay ugu talo gashay ismaamullada….

Golaha Gudoomiyayaasha Gobolada oo shalay ismaamullada kula taliyay in shaqaalahooda ay fasaxaan isla markaana ay joojiyaan in bukaanno la seexiyo isbitaallada, Dowladda Kenya ayaan weli siin ismaamullada lacagihii loo qoondeeyay iyadoo aqalka sare uusan weli isku raacin habka loo qeybsanayo.

Dastuurka Kenya ee la hirgeliyay sanadkii 2010 ayaa lagu abuuray 47 Degaan si ay dadku ugu fududaato helitaanka adeegyada dowladda, Ilaa iyo haatan barasaabka Machakos Alfred Mutua ayaa ku amray dhammaan shaqaalaha inay galaan fasax inta lacagta laga sugayo dowladda dhexe.

61590cookie-checkDowlada Uhuruu Oo Awoodi Weysay In Shaqaalaha Mushaaraadka Lasiiyo