Heshiiska Wada Xaajoodka Iyo Kooxaha Ku Hardamay (Faalo)

Somalia news

Xalay ayaa la shaaciyay heshiis siyaasadeed oo doorasho kaasoo bud-dhig u noqon doona qabsoomida Doorasho Dadban oo la mid ah tii 2016-kii lana balaariyay, kadib markii muddo 5-maalmood ah is-jiidjiid lagu jiray ayaa lagu go’aamiyay in 1-da Novembar la bilaabo Howlaha qabanqaabada Doorshada…

Go’aankaan ayaa loo fasiray iney tahay mid loo qaaday dhanka samaanta, waxaana looga fadhiyaa in Wakiilada Beesha Caalamka ay damaanad qaadeen hirgelinta heshiiskaan, iyadoo Meel marintiisuna looga fadhiyo iney ansixiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka maalinta Sabtida ah ee soo socota, kadibna la magacaabo Gudiyada ka howlgalaaya Howlahaan ee ka kala Socda Dowlada federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Sida muuqata Talaabooyinka harsan waa kuwo farsamo, kuwaasoo la filaayo iney si wadajir ah uga shaqeyn doonaan Gudiyada la magacaabaayo ee dhinacyadaan heshiiyay, iyadoo saldhiga looga dhigaayo wada oggol iyo wada shaqeyn lagu wajahaayo Codeynta, waxaana ka cago jiidaayay Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay ahna Musharax.

Yaa Guuleystay Garabyada Is-hayay:-

Mr.Farmaajo ayaa maanka ku hayay inuu dib u soo laabto, isagoo muddo dheer ku dhegenaa in doorasho qof iyo cod la qabto, laguna galo hanaanka Xisbiyada Badan, guddiga Doorsayada Qaranka oo maamula Doorashada iyo tirada ergada oo laga dhigo 301 qof, isla markaasna dhowr degaan doorasho laga hirgeliyo, Kuraastana la guurguuriyo, intaasi oo qodob ayaan midna ka hiirgelin, Damaca ku riixay riyada Mr.Faraamjo ee dib u doorashadiisa ama dhaxal fiican reebida Taageerayaashiisa ayaa ku soo dhamaaday inuu ku fashilmo Rajadii uu ka qabay dib u laabashada xilka Madaxweynanimo.

Maamulada Puntand iyo Jubbaland muddo bilooyin ah ku adkeysanaayo mowqifkooda ayaa ugu dambeyntii u hirgashay iney hakiyaan rajadii Mr.Farmaajo, waxeyna ku adkeysteen in Doorashodadban la qabto iyo Ergada oo laga dhigo 101, iyagoo meesha ka saaray Gudigii doorshada ee Mrs.Xaliimo Yareey oo aheyd aalad uu ku adeegto Mr.Farmaajo, hadii ay Tanaasul tahay iyo hadii kaleba, dadka naqdiya Guuldareystaha iyo Guuleystayaashaba ayaa duraaya sababta wakhtiga badan loogu lumiyay colaadana loo dhex dhigay Shacbiga Soomaaliyeed.

61530cookie-checkHeshiiska Wada Xaajoodka Iyo Kooxaha Ku Hardamay (Faalo)