3-da Garab Ee Ku Hardamaaya Kursiga Villa Somalia

Somalia news

Dhigaalka Taariikhda Doorashooyinka Somalia marka dib loo milicsado, lama Saadaalin karo Mas’uul noqon donna Madaxweynaha JFS, Tusaale Doorashadii 2012 Waxaa Madaxweyne ahaa Shariif Sheekh, isaga ayaa saameyn ku lahaa Soo xulista Xildhibaanada, Balse waa laga guuleystay…

Sidoo kale Doorashadii 2016, Waxaa dalka Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, 51 qof ayaa dooranayay Xildhibaanka, Doorasho bilow ah laakiin, qaar ka mid ahaa Musharixiinta Saluug weyn ka muujiyeen, kuraasta qaarna si aan gambasho leheyn loo boobay, isla markaasna saaxiibo Siyaasadeed lagu soo saaray, Ayaan darrase uma dhicin sidii Xisaabta la isugu dhuftay, Guuldarro ayuu kala hoyday, waxaana ku guuleystay Shaqsi Boorso wata Oo Dalka dibadiisa ka soo shaqo tagay.

Dulucda Sheekada aan u soo daadagee lama Saadaalin karra qof noqon donna Madaxweynaha JFS, balse waxaa la saadaalin karaa Shaqsiyaadka wareegyadda ugu horreeya ka gudbaya ee heli donna codad Macquul ah oo u Saamaxaya iney isku soo haraan Hogaamiyayaasha 3-da garab Ee Xiligaan Saameynta ku leh soo Xulista Xildhibaanada & Senatorada.

Garabka 1-aad:-

-Xulafaysigga Saciid Dani iyo Axmed Madoobe, Cidna kama qarsoonna in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland yihiin Xulafo Siyaasadeed oo ay ka mideysan yihiin Doorashadda soo socota iyo Sida ay u wajahayaan, Waana marag ma doonto in lagu go’aamiyay Shirarkii ka dhacay Kismaayo iyo Garoowe Cidda Sanadkan ka mid noqon doonta Liiska Xildhibaanadda.

-Cududda aan mideysaneyn ee Midowga Musharaxixiinta, in ka badan 15 musharax oo u badan marka laga hadlaayo Xisaabta Beelaha hal dhinac ayaa ku mideysan Midowga Musharixiinta, waa kala aragti iyo kala olole mana jirto kalsooni ka dhexeysa ama Musharax ay ku mideysan yihiin oo awoodda ay isugu geyn doonaan oo ay shaaciyeen, balse qof walba waxa uu wataa qorshe iyo dan isaga u gaar ah, oo waa suura-gal sidan sii ahaadaan, iyo iney Shaqsi iska dhex xulaan.

Garabka 2-aad:-

Farmaajo ayaa Isbaheysi la ah Qorqor iyo Lafta gareen kuwaasoo ilaa hadda Doorashada soo saartay Xildhibaano iyaga taageersan, waxeyna u badan tahay iney Farmaajo siin doonaan Codadka inkastoo aan la hubin inuu soo noqonaayo, maxaa yeelay Dhaqan ahaan wuxuu marayaa wadadii ay qaadeen Madaxweynayaashii ka horeeyay.

Garabka 3-aad:-

Waa Rooble hadii uu go’aansado inuu Xilka u tartamo Waa laga yabaa inuu Mugdi geliyo rejada Farmaajo iyo Saciid Dani, wuxuuna ka faa’iideysan karaa Fursada ah inuu xiligaan Maamulo soo Xulista Xildhibaanada, isagoo saaxiibo badan ku leh Senatorada iyo Xildhibaanada Dirta Waqooyi, wuxuuna heystaa Fursad inuu ka faa’iideysto dagaalka Saciid Dani iyo Farmaajo.

160830cookie-check3-da Garab Ee Ku Hardamaaya Kursiga Villa Somalia