Kaluumeysatada Boosaso Oo Cabasho Xoogan Ka keentay Qiimaha Shidaalka & Qaboojiye la’aan

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka (Puntland) ayaa sheegaya in 260 kalluumeysto ah oo ka jillaabta xeebta degaanadaasi ay cabasho xoogan ka keeneen khasaaraha xoogan ka soo gaara Kaluunka ay soo jilaabtaan, iyadoo ay jirin Qorshe lagu xalinaayo cabashadooda..

Wararka ayaa sheegay in Qeylo dhaantaan ay salka ku heyso iyagoo wajahaya qaboojiye la’aan saameyn ku yeelatay shaqadooda jillaabashada, Xaaladdan ayay ku jireen intooda badan tan iyo billowgii sanadkan 2022, waxeyna sheegeen in Muddo toddobaad ah oo ay ku maqnaadaan badda waxay kala soo baxaan 200 kiilo oo kalluun ah.

Kaluunkaan ayaa kala bar xeebta ku qurma iyadoo aan laga iibsan, waxeyna intaasi raaciyeen in siddeed bil ka hor uu ku xisaabtami jiray toddobaadkii $60 ilaa $70. Hadda se uu si dhibbadan ku helo lacag u dhaxeysa $10 ilaa $20 oo faa’iido ah, Kaluunka ay soo jillaabtaan kala bar waxaa ka iibsada shirkad kalluumeysi oo gabdho ay leeyihiin.

Kaaluumeysatadaan ayaa sidoo kale cabasho ka keenay Qiimaha shidaalka ay u isticmaalaan Doonta oo kordhay sanadkan waxay ku noqotay towfiiq iyo kalluumeysta la mid ka ah culays kale oo dhaqaale. 80 liitar ee shidaalka ah oo ay Doonta ku shubaan halkii safar waxaa uga baxda $120.

235770cookie-checkKaluumeysatada Boosaso Oo Cabasho Xoogan Ka keentay Qiimaha Shidaalka & Qaboojiye la’aan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com