Dowladda Federaalka Oo War Ka Soo Saartay Duqeynta Kenya

Somalia news

Warqad uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa lagu shaaciyey in Dowladda Federaalka ay baaritaan ku heyso sababta ay ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Qoraalka Wasaaradda Gaashandhigga ayaa lagu shaaciyey iney soo gaartay xogta la xiriira duqeymo hor leh oo loo geystay xarumaha shirkadaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan gobollada Jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta Dalka, Dowlada ayaa qoraalkeeda ku cadeysay inay ka xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ganacsatada shirkada Hormuud uga tacsiyeysay dhibkii loo geystay.

Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga waxay qoraalkaan ku shaacisay inay la xiriireyso ciidamada AMISOM iyo Saaxiibada kale ee xaga amniga ka caawiya Somalia, si loo ogaado sababta keentay in duqeymahaasi ay joogto noqdaan.

162480cookie-checkDowladda Federaalka Oo War Ka Soo Saartay Duqeynta Kenya