Turkiga Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ku Millay Siyaasada Gudaha

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay eedo loo jeedinaayo Dowladaha Turkiga iyo Qatar kuwaasoo ku milmay Siyaasada gudaha Somalia, iyagoo lagu eedeeyay iney Hub iyo Dhaqaale Ku taageerayaan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, waxaana welwel ka muujiyay Dowladaha Daneeya Arrimaha Somalia..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Maamulka Ankara ay Dalka soo geliyeen si qarsoodi ah 3-5 Diraayadood ee Drones ah noocoodana lagu sheegay Bayraktar#3 iyo TB-2 Oo u kala baxa kuwa Wax duqeeya iyo drones-ka aruuriya Xogaha isla markaasna qaada sawirada, diyaaradahaan ayaa la sheegay iney ku Howlgalayan Farsamo yaqaano u dhashay Dalka Turkiga.

Diyaaradahaan ayaa saldhig looga dhigay Xarunta Tababarada Ee Turkish-Somalia ee Duleedka Degmada Wadajir, Hadii lagu daro 6-da Drones Ee laga soo iibiyay Dalka China, waxaan shaki ku jirin in Diyaaradahaan loogu tala galay in lagu duqeeyo Magaalada Mogadishu, hadiiba uu dagaal ka qarxo, sidoo kale diyaaradahaan ayaa laga cabsi qabaa in loo adeegsado Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

154600cookie-checkTurkiga Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ku Millay Siyaasada Gudaha