Dowladda Kenya oo Faahfaahisay Howl-Galada Lagu Wiiqaayo Kooxda Argagixisada Shababka

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibeda Kenya Mr.Kithure Kindiki ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalada ka socda Dalka Somalia kuna aadan sidii loo wiiqi lahaa Kooxda Argagixisada Shababka, iskana kaashanayaan Dowlada Federaalka kuwa Deriska iyo Dadka Degaanada…

Mr.Kindiki ayaa sheegay in Dhankooda ay ku guuleysteen iney ka hortagaan “Dhagaro badan oo ay maleegeen Kooxda Argagixisada Shababja”, lana doonaayay in lagu dhibaateeyo Dadka Shacabka ah, isagoo intaasi raaciyay iney burburiyeen keyd hub iyo Rasaas ay lahaayeen Kooxdani.

Wasiirka ayaa sheegay Howlgaladaan hadda socda oo ay Hormuud ka tahay Dowkadda Somalia lagu wiiqay awooda kooxda xag-jirka ah, isla markaasna ay dhankooda feejignaan dheeri ah ay ku jiraan in Maleeshiyaad baxsad ah ka soo talaabaan Xuduuda Somalia iyo Kenya.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah Dalalka derisja la’ah Somalia oo oggolaaday iney Kumanaan Ciidamo ah u soo diraan Somalia si ay uga qeyb qaataan Wajiga labaad ee Howlgalka dhanka ka ah Kooxda Argagixisada Shababka kaasoo lagu wado in la bilaabo inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadan.

249450cookie-checkDowladda Kenya oo Faahfaahisay Howl-Galada Lagu Wiiqaayo Kooxda Argagixisada Shababka