Villa Somalia Oo Lagu Dhaliilay Magacaabista Ergay Qaabilsan Wada Hadalka Somaliland

Somalia news

Diidmo xoogan ayeey inta badan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka muujiyeen Magacaabista Ergyga Madaxweynaha ee Arrimaha Wada Hadalada Somalia iyo Maamulka Somaliland, isla markaasna looma soo dhaweyn magacaabista Ergeygaan sida la filaayay….

Iyadoo Dadka Qaarkiisa ay ku eedeeyeen Ergeygaan (Cabdikariimi Guuleed) inuu xiriir dhow la leeyahay Kooxda Muuse Biixi isla markaasna uu muddo degenaa magaalada Hargeysa, waxaana lagu sababeeyay Diidmadaan qodobada hoosta ku xusan.

-Xiliga la magacaabay oo aan munaasib aheyn Dagaal Isir-sifeyn ahna ka socdaan magaalada Laas caanood
-Shaqada loo diray Ergeyga oo ka baaxad weyn, Dhex-dhexaadnimadiisa farta lagu goday.
-Fashil dul hoganeysa Hogaamintiisii hore oo baro madow ku reebay, sida Maamul-xumadiisii Galmudug iyo Wasaaradihii amniga iyo Arimaha Gudaha.

-Muwaadiniin iyo Haldoor badan, ayaa ka hor yimid magacaabista Shaqsigaan kuna dhaliilay Madaxweynaha inuu ku deg degay xiliga magacaabistaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Villa Somaliya, ay cadaadis ku saareen Madaxweynaha Djibouti iyo Horjoogayaasha Kooxda Damul Jadiid uuna hormuud u ahaa Wasiirka Waxbarashada Faarax Sakiin, Ujeedka looga gol leeyahay, ayaa ah in Horjooge Muuse Biixi loo shaqeeyo oo uu helo Wakiil dadban oo Villa Somalia iyo Xalane u jooga.

249490cookie-checkVilla Somalia Oo Lagu Dhaliilay Magacaabista Ergay Qaabilsan Wada Hadalka Somaliland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com