Dowladda Oo Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Iyo Eexasho

Somalia news

Maamulka muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee Villa Somalia ayaa lagu Eedeeyay iney qaab musuq-maasuq ah u qoreen tiro shaqaale cusub oo laga howlgelinayo Hey’addaha dowlada qaarkood sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah oo arrintan baaritaan iyo dabagal ku sameysay….

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Shaqaalahaan cusub abaal marin looga dhigay laba Mas’uul oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga taasoo ay ku muteysteen kaalinta ay ka qaateen difaacida siyaasada Madaxweyne Farmaajo, waxaana shaqaalahan qaarkood laga soo keenay degaano (Hargeysa iyo Boorame) ka tirsan Somaliland.

Wararka intaasi raacinaaya iney si bareer ah u  qorteen bishii December ee sanadkii hore  50-xubnood oo ku beel ah, iyadoo lagu eedeyay iney si gaar ah loogu abaal mariyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe.

Tallaabadan ayaa niyad jab xooggan ku ah Hey’adda IMF, World Bank iyo Dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo sugeyaasha ahaa 4-ta sanno ee dhamaatay, si mutadawacnimo ahna kaga howlgayey Wasaaradaha Dowlada  kuwaasoo sugayey in barnaamijka deynta cafiska iyo halka uu ku dhammaado iyo Qorshaha sanadka cusub.

85990cookie-checkDowladda Oo Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Iyo Eexasho