EU-da oo Cusbooneysiyay Howlgalada Ciidamada Ka jooga Somalia

Somalia news

Xili dowlada Maraykanka ay bilowday in ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha dalka Somalia ayey dhinaca kale dalalka ku bahoobay Midowga Europe, ayaa dib u cusbooneysiiyay hawlgalada ciidamadooda ku sugan dhulka iyo badda Somalia…,

Hawlgalada ciidamada EU-da ee ku sugan Soomaaliya ayaa u badan tababarada ay siiyaan ciidamada kala duwan ee dowlada Federaalka Somalia iyo Hawlgalka illaalinta Xeebaha Dalka iyo kahortagida kooxaha burcadbadeeda hawlgalkaasi oo loo yaqaan Atalanta, Ciidamada EU-da hawlgaladooda ayaa la sheegay inay sii socon doonaan illaa 31ka bisha December 2022. 

Go’aankan ayaa la sheegay inuu la xariiro xoojinta hawlgalada amaanka ee Somalia & Barriga Afrika iyo kaalinta ciidamada EU-da ku leeyihiin gobalka, Midowga Yurub ayaa go’aankoodan sidoo kale doonaya inay ku cadeeyaan inay sii wadi doonaan taageerada ay dowlada Somalia kasiiyaan dhinaca amniga.

86020cookie-checkEU-da oo Cusbooneysiyay Howlgalada Ciidamada Ka jooga Somalia