Guudlaawe & Qorqor Oo La Kulmay Farmaajo

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Kulan cadaadis ah ay xarunta Madaxtooyada xalay ku yeesheen Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday, Ra’isul Wasaare Xil-gaarsiinta iyo Madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo Kulankaasi looga dooday Xiisadaha coladeed iyo Kulanka guud Ee Beelaha Hawiye….

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Kulankaan ayaa diirada lagu saaray xiisada siyaasadeed ee xalay ka tagneyd Magaalada Muqdisho gaar ahaan qorshaha dowlada ku dooneyso inay ku weerarto Saadaq Joon iyo Kulanka guud Ee Beelaha Hawiye ku yeelan doonaan Magaalada Mogadishu maalinta isniinta ah, iyadoo lagu wado in laga soo saaro Go’aanada kalsoonida loogala noqonaayo Dowladda Federaalka kadib markii muddo kordhin sharci darro ah ay sameysteen.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa sidoo kale la filayaa iney Farmaajo u cadeeyaan Sida ay uga soo horjeedaan mudo kordhinta Laamaha dowlada loo sameeyay iyo Go’aanada ay qaateen Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta kuna Aadan in Kalsoonida lagala noqdo Dowladda Federaalka, Kulankaan ayaa kusoo aadaya xili daruuro colaadeed ay dul hoganeyso Magaalada Muqdisho kana jirto cabsi dagaal sidoo kale Madaxda labadaasi maamul ayaa lagu wadaa in Kulanka Isniinta ay Shirweynaha ka hor cadeeyaan Mowqifkooda ku aadan muddo Kordhinta iyo xiisadaha ka taagan Muqdishu.

111650cookie-checkGuudlaawe & Qorqor Oo La Kulmay Farmaajo