DP World Oo Soo Bandhigtay Iibinta Saamiyada Dekedaha Dalka Qaarkood

Somalia news

Shirkadda DP World ayaa go’aansatay inay saamiyo iibiso si ay u kobciso dhaqaalaheeda, sida uu wariyay warsidaha Indian Ocean Newsletter, Shirkaddu waxay diiradda saaraysaa maalgeliyayaasha Afrikaanka ah, Dekedaha Berbera iyo Boosaaso ayay DP World u adeegsanaysaa ololaha ay ku kordhinayso raasamaalkeeda…

DP World waxay kale oo olole sharciyeed ka waddaa Maraykanka si go’aankii dhexdhexaadinta ka soo baxay dhexdhexaadiyeyaal ka tirsan maxkamad London ku taalla u noqdo mid ka fula Maraykanka si hanti Jabuuti leedahay loo siiyo DP World oo ku doodday in Jabuuti heshiis ka baxday.

Hantidhowr oo ay Shirkaddu soo saartay bishii Maarso 2021 ayay ku xustay in faa’iidada ay samayso uu ku yimid hoos-u-dhac 29%, DP World waxay kale oo olole sharciyeed ka waddaa Maraykanka si go’aankii dhexdhexaadinta ka soo baxay dhexdhexaadiyeyaal ka tirsan maxkamad London ku taalla u noqdo mid ka fula Maraykanka si hanti Jabuuti leedahay loo siiyo DP World oo ku doodday in Jabuuti heshiis ka baxday.

Sanadkii hore ayay DP World gabi ahaanba ka baxday sayladda saamiyada lagu kala iibsado ee Nasdaq. Ma cadda sida shirkaddu ugu guuleysan karto saami iibinta xilli ay bannaanka ka joogto sayladaha waaweyn.

Dowladda Federaalka ayaa ganafka ku dhuftay heshiisyada DP World la gashay maamullada Puntland iyo Somaliland, iyadoo Go’aanada ay wada gaareen labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia.

122270cookie-checkDP World Oo Soo Bandhigtay Iibinta Saamiyada Dekedaha Dalka Qaarkood