Somalia Oo Taageertay Qaraar Dhan Ka Yuhuuda

Somalia news

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa todobaadkii tagay waxey meel mariyeen qaraar ka dhan ah Dalka Israel, iyadoo Wakiilka Dowladda Somalia uu ka mid ahaa Xubnihii (Dalalka) taageeray, Qaraarka ayaa lagu Cambaareeyay weerarkii Ciidamada Yuhuuda….

Qaraarkaas, ayaa waxaa soo gudbiyay Dalalka Falasiin iyo Pakistan, wuxuuna xeerinaayay in dhismaha Guddi madax banaan loo saaro dembiyada dagaal ay geysteen Ciidamada Yuhuuda, baaritaanka ayaa ku qotoma dhacdooyinkii iyo burburintii Magaalooyinka ka mid ah dhulka Falasiin.

Sida ay muujineyso natiijada codeynta Goluhu sameeyay khamiistii la soo dhaafay, Waxaa oggolaaday 24-Dal (xubnood), halka ay diideen 9-xubnood, iyadoo la sheegay iney ka aamuseen 14-kale, Dowladda Israel ayaa aad uga carootay ansixinta qaraarkaan lagu oggolaaday Guddiga soo baara Dembiyada Dagaal ee ay geysteen Ciidamada Yuhuuda.

122300cookie-checkSomalia Oo Taageertay Qaraar Dhan Ka Yuhuuda