Drones Mareykanka Oo Duqeyn U Geystay Xarun Warbaahineed

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga Duqeyn ay Diyaaradaha Drones-ka Mareykanka, xarun warbaahineed oo Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka afkooda ku hadasha, taasoo la sheegay iney geystay khasaare, inkastoo aan la ogeyn tirada dhabta ah….

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntani ay ka dhacday Degaanada Kuunyo Barrow Ee Gobolka Shabeelada hoose, ilaa hadda ma cadda in Dadka Rayidka ay khasaare ka soo gaareen weerarkaasi, Taliska Africom ayaa horey ugu eedeeyay Qeybta Warbaahinta Kooxda Shabaabka iney “Been abuur ka faafiyaan weerarada dhanka cirka Ee drones-ka USA.

Warbaahinta Kooxda Shababka ayaa isugu jira Radio iyo Website-yo kuwaasoo hadda degaan geeya, waxeyna xooga saaraan sidii buunbuuninta Wararka iyo howlgala Kooxda argagixisada Shababka, duqeyntani ayaa noqoneysa howlgalkii ugu horeeyay markii ay ku dhawaaqeen in USA ay Ciidamooda kala baxeen Somalia.

83920cookie-checkDrones Mareykanka Oo Duqeyn U Geystay Xarun Warbaahineed