Maamulka Hargeysa Oo Damaanad ku Sii Daayay Wariye Muddo u Xirnaa…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Wariye muddo ku xirneyd Xabsiga Magaalada Hargeysa, iyadoo markiii ugu horreeysey ka hadashay qaabkii loo qabtay, Xukunka lagu riday iyo Dadkii iyo Dalalkii garab istaagey intii xabsiga lagu hayey oo 3 bilood dhan, iyadoo lagu eedeeyay iney ka soo horjeeda Maamulka Muuse Biixi..

Gabadhaan Wariyaha ah oo lagu magacaabo Bishaaro Baandhe heysatana Dhalashada UK ayaa sheegtay iney ka xun tahay mudadaa xabsiga lagu hayey balse maanta ugu yaraan ay bannaanka joogto, iyadoo u mahadcelisey saxaafadda, Xildhibaanada qaar iyo Dowladda UK oo wefdi uga soo dirtay Ethiopia iyo Maamulka Muqdisho.

Waxay Bishaaro sheegtay in loo xirey eedaymo gacan ku samays ah oo aysan falin waxa loo xirey, iyadoo ka hadlaysey markii ugu horreeysey tan iyo markii maanta damaanad lagaga sii daayey xarig hal sano ah oo lagu ridey, waxeyna xustay inaysan halis ku ahayn Maamulka Somaliland waloow lagu eedeeyey ”qaran-dumisnimo” sida ay ku sheegtay, balse waxay sheegtay in Wajaale laga soo qabtay tiiyoo aysan jirin wax barwo ah oo ay wateen Boliiska soo qabtay.

Waxaa kale oo ay xustay inay xabsiyada kusoo aragtay dad badan oo sharci darro iyo cadaalad darro u xiran iyadoo sheegtay inay dareemayso xanuunka dadkaasi, sida ay tiri.

272070cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Damaanad ku Sii Daayay Wariye Muddo u Xirnaa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com