NISA Oo Baafin Ku Soo Saartay Shaqsi Lagu Raad-joogo

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Baafin ay dhowaan soo Saartay Hey’adda NISA, iyagoo ka codsaday in cidii Warbixino (Xuuraan) ka keenta halka uu ku sugan Muwaadiin Soomaaliyeed oo ay ku raad joogaan….

Baafintaan Ayaa lagu sheegay in Cabdinaasir Axmed (Buuni) lagu Eedeeyay Inuu dhaqaalaha ka soo uruuriyo Ganacsatada, Hey’adaha, Ururada NGO-yada Iyo Shirkaddaha ka howlgala Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Waxaa la sheegay in Ciidii soo sheegta in lagu abaal marin doono Lacag dhan 5000 US$.

https://fb.watch/2LV_4xqvkb/

Dhanka kale Mr.Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo ku nool Magaalada Boorame ayaa sheegay inuu la yaabay Baafinta laga sameeyay isagoo intaasi raaciyay in Sawirkiisa iyo Magaciisa oo khaldan uu ka soo muuqday Baafinta ay soo saareen Hey’adda NISA, wuxuuna ku gacan seyray Eedaha loo soo jeediyay iyo inuu xiriir la leeyahay Kooxaha argagixisada Shababka.

83890cookie-checkNISA Oo Baafin Ku Soo Saartay Shaqsi Lagu Raad-joogo