Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa (Africom), ayaa shaaciyay inuu maalintii shalay uu duqeyn diyaaradihiisa Drones-ka, ka fuliyay degaanka Saaxo-weyn oo ka tirsan Gobolka Bay ee Maamulka Konfur galbeed Somalia, iyadoo lagu dilay tiro Horjoogayaal ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka…
Sida laga soo xigtay Ilo warredyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in 5 ka mid ah Horjoogayaal degaanka ah iyo dagaalamayaal kooxda ka tirsan lagu dilay duqeyntaasi, iyagoo xiligaasi diyaarinaayay Howlgalo dhan ka ah Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka, Wararka ayaa intaasi raaciyay ineysan khaasare ka soo gaarin duqeyntaasi Dadka Rayidka ah Ee Degaanka.
Taliska Africom iyo taliska Ciidamada Dowladda Federaalka ayaan soo bandhigin magacyada Horjoogayaasha la khaarijiyay, balse warar hoose ayaa tilmaamaya in duqeyntaasi lagu khaarijiyay Horjoogayaal degaanka Maamulaayay.
Degaanada Konfur galbeed ayaa la tilmaamaa iney tahay degaanada ay ku dhuumaleystaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Kooxda Shababka, waxaana la tilmaamaa in Xabsiyada Kooxda ay ku yaalaan Duleedka Degmada Diinsoor.