Dilalka Bareerka Ee Maleeshiyada Haramcad Oo aad U Korortay

Somalia news

Waxaa maalmahaan aad u soo kordhaayay Dilalka Bareerka ah & jirdilka ay geysanayaan Maleeshiyaadka Farmaajo ee la magac baxay Haramcad, kuwaasoo 24-kii saac ee u dambeeyay geystay dilal bareer ah & jirdil loo geystay Weriyayaal ka tirsan Warbaahinta ka howlgasha magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa sheegay in Marxuumad Sacdiya Cabdi Yuusuf ay haleeshay Rasaas ay fureen Ciidamada Dowlada xili ay ku socotay Mooto Bajaaj, waxeyna u geeriyootay rasaastii haleeshay, Ciidamada ayaa Rasaasta ku furanaayay wadada oo xiligaasi mashquul aheyd (Traffic Jam).

Halka Marxuum Mohamed Afweyne oo ahaa Ganacsada Dukaan ku leh isgoyska Ceelasha biyaha ayee Toogteen Xoogaga Haramcad gaar ahaan kuwa jooga Siinka dheer ee duleedka Muqdisho, Marxuumka Maydkiisa aya la dhigay Hospitaal-ka Al-biri oo u dhaxeya Muqdisho & Ceelasha biyaha.

Maleeshiyada Harmacad ka tirsan oo ah Tuuga ayaa dooneysay iney dhacaan Dukaanka ayaa la sheegay inuu ka diiday Marxuumka waana taas sababta ka dambeysa.

169700cookie-checkDilalka Bareerka Ee Maleeshiyada Haramcad Oo aad U Korortay