Ma Dhabaa in Garoonka Diyaaradaha Berbera Lagu Wareejiyay Ciidamada USA

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Cutubyo ka tirsan Ciidamada Maraykanka iyo Shaqaale Shisheeye ah oo ay weheliyaan, ayaa si buuxda ula wareegay gebi ahaanba maamulka iyo gacan-ku-haynta Amaanka garoonka Diyaaradaha ee magaalo-xeebeedda Berbera..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in dhowaan markii ay Garoonka Diyaaradaha Mogdishu ay soo gaartay Wasiir kuxgeenka Arrimaha Dibeda USA Mrs.Victoria Nuland ay heshiis hordhac ah ka saxiixdo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh inuu oggolaado iney Ciidamada Mareykanka, kuwa Sacuudiga iyo UEA iney u isticmaalaan Garoonkaasi dagaalada Yemen, ilaa hadda lama yaqaano inta sano ay isticmaali doonaan garoonkaasi, iyo dhibaatada ka dhalan karta bacdamaa Xoogaga Xuutiyiinta ay heystaan Gabyaalada ridada dheer.

Warku wuxuu intaasi raaciyay in dhowr diyaaradood oo kuwa ciidammada Maraykanku leeyihiin ku dageen Madaarka Berbera gelinkii hore ee doraad, kuwaasoo siday boqollaal qof shaqaale Ajnebi ah oo u badan Hindi iyo Asia qandaraasna lagu siiyey inay muddo kooban ku dhisaan dhismeyaal hoy u noqon doona kumannaan Ciidamada Maraykanka ah oo saldhig weyn halkaas ka yagleeli doona toddobaadyada soo socda.

Dhamaan Shaqaalaha Rayidka ee garoonkaasi ka howlgalayey, ayaa lagu amray inay garoonka ka baxaan, wax yar kadib markii tiro diyaaradaha Ciidamada ee Maraykanku caga dhigteen garoonka, waxana lagu wargeliyey shaaaalaha inay fasax yihiin 12 maalmood oo ka bilaabay Axadii hore.

Wararka ayaa sheegay in Mas’uulkii Dowlada Imaaraadka Carabta u joogay garoonka Berbera oo ay iyagu dib-u-dhis iyo casriyeyn aad u balaaran ku sameeyeen, ayaa isna dalkiisa ku laabtay maalin ka hor intii aanay Ciidamada Maraykanku la wareejin Garoonka diyaaradaha Berbera.

198900cookie-checkMa Dhabaa in Garoonka Diyaaradaha Berbera Lagu Wareejiyay Ciidamada USA
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com