Share the post "Duufaan Ka Dhacday Dalalka Madagaskar & Mozambique oo Khasaare Geystay"
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duufaan ka dhacday Dalalka Madagaskar iyo Mozambique ayaa la sheegay iney geysteen khasaare dhimasho, dhaawacyo iyo burbur xoogan oo hantiyeed, kadib markii duufaantaaso ay saameyn xoogan ku yeelatay Dadka labadaasi Dalka oo qaarkood ay ka barakaceen guryahoodii oo burburay…
Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhinteen, iyadoo 7 ka mid ah ayaa ku dhintay Madagaskar, halka 7 ay ku dhinteen Mozambique, kadib markii ay duufaan ku dhufatay deegaanada dalalkaasi, Tirada dadka ay saameysay duufaanta Freddy ayaa gaartay 383,000, iyadoo Madagascar ay ku barakaceen 226,000,halka Mozambique la sheegay 163,300 , sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay.
Inkastoo xoogga Duufaanta Freddy aysan ahayn sidii la filaayey, haddana, boqollaal kun oo qof ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo, soo kabashada waxay qaadan doontaa bilo,” Pasqualina Di Sirio, oo ah wakiilka barnaamijka cuntada adduunka ee Madagascar ayaa u sheegay BBC.