Maxaa ka Run ah in Ciidamo ka baxay Muqdisho oo Safar dhulka ah ku Gaareen Magaalada Gaalkacyo 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kolonyo Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa safar dhinaca dhulka ah ku gaaray Konfurta Magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug, halkaasoo uga sii gudbi doonaan Magaalada Hobyo.

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Ciidamadaan oo ku hubeysnaa gaadiid nuuca dagaalka ah oo ka baxay magaalada Muqdisho si nabdoon ku gaareen magaalada Gaalkacyo, waxa ayna ciidankan sii mareen gobolo kala duwan, Ciidamadaan ayaa loogu tala galay iney ka qeyb qaataan Duulaan qorsheysan oo lagu qaban doono magaalada Xaradheere.

Waxaa horey u xirnaa isku socodka Gobolada Dalka qaarkood, waxaana ku adkeyd Ciidamada Dowladda iney safar dhulka ah ku gaaraan Gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud, hasa ahaatee waxaa hadda furmay waddooyin badan oo xirnaa, iyadoo sidoo kale Taliyaha Ciidamada Lugta oo xiligaan ku sugan magaalada Hobyo uu hogaamin doono gulufka lagu xoreynaayo Degmooyinka ka maqan Galmudug.

236260cookie-checkMaxaa ka Run ah in Ciidamo ka baxay Muqdisho oo Safar dhulka ah ku Gaareen Magaalada Gaalkacyo