Ergo ka Socota Dalka Ethiopia oo ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Wafdi ka docda Dawladda Ethiopia, gaar ahaana Madaxa Hay’addaha Sirdoonka & Milateriga oo gaaray Magaalada Hargeysa ayaa shalay galinkii hore xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi Mr. Muuse Biixi iyagoo ka wada hadlay dagaalada magaalada Laas caanood…

Wararka ayaa sheegay in Ergadaan ay Mr.Muuse Biixi u gudbiyeen aragtidooda ku aadan sidii deg deg loogu joojin lahaa Dagaalka iyo in Xoogagiisu kala baxo Gobolka Sool, waxay is hayaana ay yihiin dadka degaanka, oo aysan jirin mar-marsiiyaha Argagixiso, si Dadkii ka barakacay Guryahoodii fursad loo siiyo iney soo laabtaan.

Wararka ayaa sheegay in Bilowga todobaadka nagu soo wajahan ay isla Ergedagasn kasocda Dowladda Ethiopia la kulmi doonaan Isimadda Dhaqanka ee Gobolada SSC iyo Guddiga 33-da xubnood, iyagoo kala hadli doonaan arrimaha dagaalkan iyo fariin ay ka sidaan Wasiirka 1-aad Mr.Abiy Axmed.

244670cookie-checkErgo ka Socota Dalka Ethiopia oo ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa