Duufaan Ka Dhacday Dalalka Madagaskar & Mozambique oo Khasaare Geystay

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duufaan ka dhacday Dalalka Madagaskar iyo Mozambique ayaa la sheegay iney geysteen khasaare dhimasho, dhaawacyo iyo burbur xoogan oo hantiyeed, kadib markii duufaantaaso ay saameyn xoogan ku yeelatay Dadka labadaasi Dalka oo qaarkood ay ka barakaceen guryahoodii oo burburay…

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhinteen, iyadoo 7 ka mid ah ayaa ku dhintay Madagaskar, halka 7 ay ku dhinteen Mozambique, kadib markii ay duufaan ku dhufatay deegaanada dalalkaasi, Tirada dadka ay saameysay duufaanta Freddy ayaa gaartay 383,000, iyadoo  Madagascar  ay ku barakaceen 226,000,halka Mozambique la sheegay  163,300 , sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay.

Inkastoo xoogga Duufaanta Freddy aysan ahayn sidii la filaayey, haddana, boqollaal kun oo qof ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo, soo kabashada waxay qaadan doontaa bilo,” Pasqualina Di Sirio, oo ah wakiilka barnaamijka cuntada adduunka ee Madagascar ayaa u sheegay BBC.

244620cookie-checkDuufaan Ka Dhacday Dalalka Madagaskar & Mozambique oo Khasaare Geystay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com