Xog cusub:-Ma Runbaa in Madaxweynaha Hir-Shabelle looga yeeray Dalka UAE

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa tibaaxaya in Dawladda Imaaraatka Carabta ay dalkeeda ku martiqaaday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna qorsheystay inuu gaaro Maalinta Axada ah ee todobaadka nagu soo aadan, iyadoo uu ku wehlin doono Mr.Cabdullaahi Max’ed Nuur, Lataliyaha M/weynaha ee kahortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah….

Ilo wareedkaan ayaa intaasi raaciyay in Safarka Cali Guudlaawe ay ku wehlin doonaan xubno kat irsan maamulkiisa, warar madaxbanaan ayaa sheegaya iney Mas’uuliyiinta Imaaraatka doonayaan iney gaar u haystaan Cali Guudlaawe, ayna u isticmaalaan howlahooda Bartamaha & Konfurta Dalka.

Wararka ayaa sheegay in UAE ay horey xiriir iskaashi ugala dhaxeeya Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Sarakiil iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Konfur galbeed, isla markaasna Saldhigyo ciidan ka raba dhamaan Dowlad Gobaleedyada Dalka oo ay u wada yeeran doonaan.

Degaanada Beesha Hawiye oo ay markii hore arkaayeen ineysan miisaan ku laheyn Siyaasada Dalka ayeey hadda bilaabeen iney xiriir toos ah la yeeshaan, iyagoo u maraaya Xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Wasiirkii 1-aad ee hore.

244580cookie-checkXog cusub:-Ma Runbaa in Madaxweynaha Hir-Shabelle looga yeeray Dalka UAE