Farmaajo Oo Horjoogayaasha Beeshiisa Kulan Ugu Qabtay Garbahaarey

Somalia news

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan muddo 3-maalmood ah uga socda Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan, Kulankaan oo Madaxtooyada Villa Somalia ay soo abaabushay, ayaa lagu wadaa in looga hadlo Qodobo dhowr ah….

Kulankaan ayaa la sheegay iney ka qeyb qaadanayaan Gacan-yarayaasha Uga Wakiilka ah Beeshiisa kuwaasoo ay hormuud u yihiin Cabdulahi Aadan Kulan ( Jiis-Mareexaan), xubno huwan Magaca Jubbaland kuwa Gobolka iyo Degmooyinka Ee daacada u ah Villa Somalia…..

Waxeyna ka doodayaan sidii qorshe mideysan looga qaadan lahaa Khilaafka Doorashada iyo xiisadaha kala dhaxeeya Hogaanka Dowlad goboleedka Jubbaland, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay culeys ku saareen Farmaajo inuu Maamulka Gobolka iyo ugu yaraan Maamulka degmada Garbahaarey lagu wareejiyo Hogaanka Jubbaland si looga qabto Doorasho Degmada Garbahaarey.

Lama yaqaano in talaabadaan ay ku qanci doonaan Maamulka Dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo la sheegay in howshaan ay hordhac u tahay sidii Dalka looga qaban lahaa Doorasho dadban oo muddo bilo ah ay u xayiran yihiin Mr.Farmaajo iyo Beesha Mareexaan.

95330cookie-checkFarmaajo Oo Horjoogayaasha Beeshiisa Kulan Ugu Qabtay Garbahaarey